Somali Marine Resources Research Organization

RADM/Prof: Faarax Axmed Cumar: Kenya waxa ay samaysay iskuday walba oo ay ku doonaysay Badda soomaaliya

RADM/Prof: Faarax Axmed Cumar: Kenya waxa ay samaysay iskuday walba oo ay ku doonaysay Badda soomaaliya

February 5, 2017
|
0 Comments
|

Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) taliyihii hore ee ciidanka badda soomaaliya haatana ah Gudoomiya Hay’adda CilmiBaarista Badaha soomaaliya oo ka war bixiyey damca kenya ee boobka badde soomaaliya iyo xiliga uu soo bilowday.

Admiral Faarax Qare waxa uu sheegay in arintan ay soo bilaabatay 2005, markaas oo ay kenya samaysay qariirad cusub oo dhanka badda ah iyadoo soo leexisay qariirada  kuna daratay qeybo ka mid ah badda Dalkeena Soomaaliya.

Balse waxa uu sheegay inay ka hortageen ayna ogaadeen arintaasi kana dhiidhiyeen waxa uu inta ku daray in arintan ay aad u soo shac baxday 2009, markii ay xukuumada ku meel gaarka aheed ee Cumar cabdirashiid Ra’iisul wasaaraha haatan uu hogaaminayay ay hashiis is afgarad ah la gashay dowlada kenya oo la xiriira badda Soomaaliya hashiiskaasi oo markiiba uu qadacay Baarlamaankii ku meel gaarka ahaa .

Admiraal ku waxa uu sheegay in kenya ay u muuqato inay  doonayso ka faa’iidaysashada burburka soomaaliya waxa uu sheegay in waligeed aanay sheegan Badda soomaaliya ay haatan ka sheegatay tan iyo markii kenya ay xuriyada qadatay 1963.

waxa uu sheegay inay raja ka qabaan dacwada dowlada dhexe ay ka gudbisay kenya una gudbisay Maxkamada cadalada Dunida in Soomaaliya ay ku guulaysato marka loo eego taageerada iyo cadaymaha ay heysato soomaaliya.