Somali Marine Resources Research Organization

About Us

SOMALI MARINE RESOURCES RESEARCH CENTRE  (SMRRC) 

ART. 1: ESTABLISHING LAW  N.44  

The SOMALI MARINE RESOURCES RESEARCH CENTRE (SMRRC) is an independent governmental institution with legal personality.

ART. 2: AREA OF THE STUDIES

The SMRRC is a research body and the subject of its study include:

  1. Marine resources: living and non living.
  2. Marine economy
  3. Marine environment
  4. Marine science
  5. Marine security
  6. Piracy
  7. Maritime navigations and boarders
  8. And any other subject related to the marine

ART. 3: AIM

  1. The aim of establishing the SMRRC is to find a center that can collect all the necessary informations in the areas mentioned in the above article 2, in order to have the suitable recommendation for any related decision, and to create a forum for the Somali researches (Think Tankers) where the exchange and share their knowledge.
  2. To provide consistently an expertise advice to all the different national organizations that are tasked for the maritime securities and  protect the national marine resources specially in the international meetings.

ARTICLE 4:  EXPERTICE EMPLOYMENTS

    1. The majority of the experts in the SMRRC are mainly Somalis, however, the Center time to time may employ foreign experts for specific studies, also, the center has established a link for collaborations with other national and international research centers with similar objective, in order to collect the correct information.

The SMRRC is also working using all forms the local media to enlighten the Somali people of the importance of our national marine resources and the best way to take advantage of it

ORGANIZATIONAL STRUCTURE OF THE SMRRC

      1. CHAIRMAN
      2. VICE CHAIRMAN
      3. GENERAL SECRETAY

DEPARTMENTS

    1. DEPARTMENT OF RESOURCES AND ECONOMY
    • Section of Living resources and economy
    • Section of non living resources (Minerals, Petrol, Gas etc.)
    • Section of Ports Movements)
    1. DEPARTMENT OF MARINE SCIENCE AND ENVIRONMENT
    • Section of Oceanographic and other related sciences
    • Section of Marine environment
    • Section of metrology
    1. DEPARTMENT OF NAVIGATION AND MARINE BORDERS
    • Section of Navigation
    • Section of Costal topography and Natural ports
    • Section of Marine borders
    1. DEPARTMENT OF LAW AND EXTERNAL RELATIONS
    • Section of law
    • Section of Relations and Agreements
    • Section of follow up and control
    1. DEPARTMENT OF STRATEGIC DEFENCE AND SECURITY
    • Section of Defence and security ports
    • Section of Piracy
    • Section of illegal movements (People, weapons, goods etc)
    1. DEPARTMENT OF,STATISTICS, REPORTS, PUBBLICATIONSAND ARCHIVE
    • Section of planning and statistics
    • Section of reports, translation and publication
    • Archives
    • Section of library and IT
    1. DEPARTMENT OF ADMINISTRATION
    1. Section of Finance management
    2. Section of human resources management
    3. Section of logistics management

ART. 7: EXECUTIVE BOARD

  1. Members of the Executive Board are:
  • Chairman
  • Deputy Chairman
  • Director General
  • Heads of Departments
  1. Terms of Reference of the Executive Board:
  • Approval of the work plan
  • Approval of the budget
  • Evaluation of the yearly activity of the organization
  • Advisory role for sensitive matters
  • Proposal of change of the Rule of Procedure of the institution (67% of the votes required)

TERMS OF REFERENCE FOR THE APPOINTMENTS:

Art. 17: Chairman of the SMRRC

  1. The Chairman of the SMRRC:
  • should be holder of BA (BS) of one the subjects that the Center is doing its research, and also, He should have 20 years of experience as researcher, professor and similar, or 15 years of experience and written important books related to the maritime subjects.
  • should have MA (MS) of one of the subjects that the Center is doing its research, and also, He should have 15 years of experience as researcher, professor and similar, or 10 years of experience and written important books related to the maritime subjects.
  • should be holder of PHD or similar about one of the subjects that the Center is doing its research, and also, He should have 10 years of experience as researcher, or 7years of experience and written important books related to the maritime subjects.

Art. 18: The Deputy Chairman of the SMRRC

The Deputy Chairman of the SMRRC should have the same terms of reference of the Chairman.

Article 19: The Heads of Departments of the SMRRC

The Heads of Departments of the SMRRC should have the same qualifications as per article 17, except for the years of experience that shoul be 5 years less as mentioned in the article.

Article 20: The Heads of Sections of the SMRRC

The Heads of Sections of the SMRRC should have the same qualifications as per article 17, except for the years of experience that should be 7 years less as mentioned in the article.

d

 

Hey’adda Cilmi Baarista Badda Soomaaliyeed

1-Hey’adda Daraasaadka Badaha Soomaaliyeed waana mid Dowladeed oo madax bannaan oo leh shakh siyaad qaanuni ah waxayna hos timaada Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Ujeedo:xeer-nidaamiyaha maamulka Hey’adda daraasadka badaha somaliya(HDBS)

Iyadoo sanooyinkii ka dambeeyey burburkii dowladadii dhexe ee Soomaaliya 1991 kii, lagala kulmay dhibaatoyin  badan badaha Soomaaliya sida xaalufinta kheyraadka badda, wasakheynteeda, burcad badeedka, iyo guud ahaan wax ka ogaansho la’aanta dhabta ah ee xaalada dhaqaale, amni iyo deegaan ee badaheena ;

Iyada oo ay lagama maarman noqotay in la abuurto hey’ad qaabilsan cilmibaarista arrimaha kor lagu soo xusay, si loo helo aqoon iyo ogaal sugan oo go aamada siyaasadeed lagu qadan karo;

Iyada oo laga tixraacayo dekretada RE:XRW/LT/00.132/01/12 ee January 24,2012 ee lagu dhisay hay’add cilmi baaris ku sameysa baddaha Soomaaliyeed iyo kheyradka ku jiraba, iyada oo laga ambaqaadaya fulinta Road-mapka iyo Barnaamijka xasalinta dalka (NSSP) qodobkiisa 2.11 oo qeexaya lagama maarmaan-nimada difaaca badaha Soomaliyeed;

Ayaa laga billaabo manta waxaan ogolaaday in xeer nadaamiyaha soo socda lagu maamulo hay’adda daraasadka badaha Soomaaliyeed:-

Qod.2aad: nooca daraasadka hey’adda

Daraasadka hey’adda u xilsaaran tahay wuxuu koobaa:-

1- kheyraadka badda, noole iyo manoole

2- dhaqaalaha sekterka badda

3-degaan badeedka

4-culuunta badda

5-burcad badeedka

6-xaalada badmaridda iyo soohdimaha

8- iyo wax kasta oo xiriir la leh badaha dalka

Qod .3aad: ujeeddada hey’adda

  • Ujeeddada hey’adda loo dhisay waa in la helo aqoon iyo ogaal dhab ah ee ku saabsan arrimaha ku xusan qod.2aad, si loo helo talo cilmiyeysan oo go’aan lagu qaadan karo, iyada oo loo abuurayo jawi mideeya aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku xeel dheer culuumta badaha iyo sharciyadoodaba, (Think Tankers)
  • Talo siinta khabiirnimo (Advisery Expertice Role) si joogto ah hay’adaha kale ee dawliga ah arimaha khuseeya difaaca danaheena badaha Soomaliyeed iyo khayraadka ku jiraba iyo la socodkoodaba gar ahaan marka looga hadlayo shirarka caalamiga ah.

Qod.4aad: Xiriirka hey’adda

  • Hey’addu waxay howlgalineysaa aqoon yahanada soomaaliyeed, wayna kaashan kartaa kuwo ajanabi ah, waxayna xariir la sameysan kartaa hey’adda cilmi barista gudaha iyo dibadaba, si loo helo xogta loo baahan yahay.

Qaabdhismeedka hey’adda

Qod.5aad: Golaha maamulka

Hey’adda waxay yeelaneysaa gole maamul oo ka kooban: Guddoomiyaha, Guddoomiye ku/xigeenka iyo madaxada waaxyaha

Qod.6aad: Fadhiyada golaha maamulka

Golaha maamulka waxay fadhiistaan mar lixdii biloodba, iyo markii ay codsadaan 50% xubnaha golaha ama guddoomiyaha, koromkoodu iyo go’aakooduba wuxuu ku an saxaya tiro-hal-dheer. Haddii ay sinmaan waxaa guuleysanaaya dhinaca uu jiro gudoomiyuhu.

Qod.7aad: xilka golaha maamulku

Xilka golaha maamulku waa sida hoos ku qoran

  • Ogalaanshaha qorsha howleedka sano
  • Ogalaanshaha miisaaniyada
  • Qiimeynta sano ee waxqabadka hey’adda
  • Ka talabixinta arrimaha leh culays gaar ah
  • Soo jeedinta wax ka badalida xeer nidaamiyaha , waxaana loo baahan yahay uga yaraan 67% cododka.

Qod.8aad: xafiisyada hey’adda ee cilmi barista

Xafiisyada hey’adda ee cilmi barista waa sida hoos ku qoran:

  • Guddoomiye
  • Guddoomiye ku/xigeen
  • Xughaye (madaxa waaxda, qorsheenta, tirakoobka,qoraallada, faafinta iyo keydinta)
  • Waaxda kheyradka iyo dhaqaalaha
  • Laanta kheyraadka nool (kaluun)

-Laanta kheyradka kale (macdan,shidal,dhagax qaali ah iwm)

waaxda cilmiga badda iyo deeganka

  • Laanta oceanographiyada iyo culuunta la jaalka ah
  • Laanta deegaan badeedka
  • Laanta metrologiyada
  • Waaxda badmarida iyo xudduudaha
  • Laanta badmaridda
  • Laanta topografiyada xeebaha iyo dakadaha dabiiciga ah
  • Laanta xadeynta xudduudaha baddaha
  • Waaxda qaanuunka iyo xiriirrada
  • Laanta qaanuunka iyo heshiisyada
  • Laanta xiriirka gudaha
  • Laanta xiriirka dibada
  • Laanta xadgudubyada badda
  • Waaxda istaratejiyada difaaca iyo amniga dakadaha
  • Laanta burcad –badeedka
  • Laanta dhaqdhaqaaqaaan sharciga aheyn (dadka, hubka,badeecadaha ..iwm)
  • Waaxda qorsheynta iyo tirakoobka, qorallada, faafinta iyo keydinta
  • Laanta qorsheynta iyo tirakoobka
  • Laanta qoraallada iyo tarjimada iyo faafinta
  • Laanta keydinta (arkifiyo)
  • Laanta I T da
  • Maktabadda
  • Waaxda maamulka
  • Laanta maamulka
  • Laanta shaqaalaha iyo gaadiidka
  • Laanta qalabeynta

Waajibaadka xubnaha howlwadeenada ah.(cilmi baarayaasha)

Qod.9aad: xilka guddoomiyaha hey’adda:

  • Hoggaaminta hey’adda si ay u gudato howlaha ay u xilsaaran tahay
  • Hubinta joogtada ah ee wadashaqeynta kooxeed ee maxada waaxyaha iyo cilmi-baarayaasha kale si loo helo wax soo saar (w.s.s) sare.
  • Kormeeridda howl-qabadka iyo waajib-gudashada shaqaalaha (baarayaasha) hey’adda.
  • Hoggaaminta shirarka kay’adda
  • Ogalaanshaha qarash bixinta
  • La-saxiixidda madaxa waaxda maamulka dokomentiga maaliyada
  • Wuxuu bixin karaa abaal-marinada lacageedka ee ah ilaa 500$ oo qof kaliya la siiyo.
  • Soo jeediyaha qoridda, dallacaadda iyo shaqo ka saaridda shaqaalaha.
  • Wuxuu xaddidaa kuna kormeraa xilka ku-xigeynka iyo kan xog hayaha (Rapporter) iyo madaxa waaxyaha.
  • Wuxuu howlgeliyaa baarayaasha dibadda jira, xaddidaana abaalmarintooda lacageed, marka uu la tashado ku-xigeenka iyo madaxa waaxda ay khuseyso.
  • Heerkiisu waa xoghaye joogto.
  • Qod.10aad: xilka ku-xigeynka
    • Waa mas’uulka labaad ee hay’adda waana cilmi bare
    • Wuxuu fuliyaa shaqada uu u xilsaaro gudoomiyahu
    • Kusimaha guddoomiyaha marka maqan yahay ama uu gudan waayo howshiisa..
    • Shirgudoomiyaha marka gud/yuhu uusan joogin
    • Darajadiisu waa Ag guud.

    Qod.11aad: xilka xoghayaha

    Xoghayaha (Reporter) ahna madaxa waaxda qorsheynta qoraalada, faafinta iyo keydinta.

    • Waa mas’uulka saddexaad ee hey’adda, waana cilmi bare
    • Waxa uu fulinayaa waajibaadka ay u xilsaaran tahay waaxdu iyo laamaheedu
    • Wuxuu la soconayaa, keydinayaa go’aanada siyaasadeed ee dowladdeena iyo kuwa na saameyn kara ee dowladdaha iyo heyadaha caalamiga, iyo kuwa goboleedka ah.
    • Darajadiisu waa ku xig Agaasime guud.

    Qod.12 aad: madaxa waaxyaha

    • Xilkoodu waa hoggaaminta waxyahooda iyo laamaha ay u xirsaaran yihiin
    • Iskudubarridayaasha iyo kormeerayaasha howlaha laamaha waaxyadooda, ayagoo hubiyaaya inay u shaqeyaan sidii hal koox .
    • Waxay siinayaan guddoomiyaha warbixinta waaxyahooda.

    Qod 13.aad: shaqaalaha kale

    • Xilkooda waxaan xaddidaya howsha loo idmado, waxaana ku kormeeraya madaxa waaxda ay hoos yimaadan iyo tan maamulka,waxayna guud ahaan u hoggaansamayaan xeerka maamulka shaqalaha dowladda.

    Qod14.aad: darajada madaxda waxyaha

    • Dhammaan darajada madaxda waxyaha waa heer agaasime

    Qod15.aad: magacaabidda xubnaha hey’adda

    • Guddoomiyaha waxaa magacaabaya madaxweynaha, markuu helo go’aanka golaha wasiirada.
    • Ku xigeenka gudoomiyaha, xoghayaha madaxda waaxyaha iyo laamaha waxay maraayaan 6 bil oo tijaabo ah, dabadeedna waxaa magacaabaya R/wasaaraha ka dib markii uu helo warbixinta iyo talada guddoomiyaha hey’adda.
    • Mudada tijaabada xubnaha ku xusan F,2aad ee Qod.15aad, waxaa la siinayaa 50% xuquuqda jagadooda

    Qod.16aad: Qaabka hagida howlaha hey’adda

    Howsha hay’addu waxay u soconaysaa si waafaqsan qorshe howleedkeeda sano iyo go’aamanka maamulka, waxaana mas’uulka ah toosinteeda guddoomiyaha.

    Sharuudaha Aqoonyahanada (Baarayaasha)

    Qod.17aad: Guddomiyaha hey’adda waxaa laga doonaya

    • Inuu heysto shahaadada BA (BS) ee caluumta looga shaqeeyo hey’adda iyo 20 sano oo khibrad baariseed, macallinimo, qareenimo ah iwm, ama 15 sano oo khibrad ah haddii uu leeyahay qoraalo qiimo leh.
    • Inuu heysto MA(MS) ee culuunta hey’addu ku shaqeyso iyo 15 sano oo khibrad baariseed, macalinimo, qareenimo ah iwm, ama 10 sano oo khibrad ah haddii uu leeyahay qoraalo qiimo leh.

    Qod.18aad:

    Guddoomiye ku xigeenku wuxuu la mid yahay guddoomiyaha

    Qod.19aad

    Madaxada waaxyaha waxaa lagu dabaqayaa Qod.17aad oo laga gooyey faqrad kasta 5 sano

    Qod.20aad

    Madaxa laamaha waxaa lagu dhaqaayaa Qod.17aad oo laga jaray faqrad kasta 7 sano

    Qod.21aad

    Aqoonyahanada aan hey’adda si joogta ah uga howl galin waxaa lagu qiimeynaya laguna abaalmarinayaa

    • Macluumaadka ay soo gudbiyaan
    • Hey’addau waxay bixin kartaa xubin sharafed la siiyo cidda siisa gacan wax ku ool ah.
    • Qiimeyntooda waxaa iska leh gudoomiyaha oo la tashanaya ku xigeeynkiisa iyo madaxa waaxda ay khuseyso howsha la qabtay.

    Dhaqaalaha hey’adda

    Qod.22aad: ilaha dhaqaalaha iyo maamulkooda

    • Hey’addu waxay ka heli kartaa kaalmo dhaqaale dowladda, shacabka (gudaha iyo dibadda) iyo hey’addaha iyo dowladaha shisheeye iyo qoraladdeeda.
    • Hey’addu waxay degsaneysaa sanad kasta miisaaniyad sanadeed ay ku howlgasho
    • Maamulka miisaaniyada waxaa loo raacayaa habka hey’adaha dowladda ee madaxa bananaQod.23aadAqoonyahanada hey’adda oo u go’ay cilmi baarita meel kalana howl ka qaban waxay leeyihiin
      • Mushaar
      • Gunno (shaqo dheeraad ah, mid jago,hoy,safar iwm)
      • Abaal marin ku timaada soo saarid kutubo, kashfaad muhim ah iyo abaal dheeraad ah, waxaana qiimeynaaya golaha maamulka.

      Qod.24aad:

      Aqoonyahanada aan si joogta ah uga howlgalin hey’adda hase yeeshee ka qeybqaata cilmi-baarista.. waxay leeyihiin gunno u dhiganta howsha ay qabteen, waxaana qiimeynaaya guddoomiyaha asagoo la tashanaaya ku xigeenkiisa iyo madaxa waaxda ay khuseyso.

      Qod.25aad:

      • Gunooyinka iyo abaalmarinta wixii ku siman ilaa 500$ waxaa ogolaan kara guddoomiyaha.
      • Gunada ka badan 500$ waxaa ogolaanaya R/wasaaraha marku helo soo jeedinta guddoomiyaha
      • Joojinta gunada ama cusbooneynteeda, waxaa awood u leh gudoomiyaha.

      Qod.26aad:

      Xeer nidaamiyahan wuxuu dhaqangalaya markii uu ogalaado golaha wasiiradu, saxiixana R/wasaaraha dowladda Somalia.