Somali Marine Resources Research Organization

NABADGALYADA BADAHEENNA

NABADGALYADA BADAHEENNA

October 22, 2016
|
0 Comments
|

NABADGALYADA BADAHEENNA

ADM.Gaas Prof. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare)

Nabadgalyada: magac cilmiyeed ahaan, waxay culimadu ku qeexaan siyaabo kala duwan laakiin aad isugu dhow, anigu waxaan ka doortay kan ogu gaaban, ugunna koobidda baddan waana kan: Nabadgelyadu waa welwal la’aan, Qofka, qoyska ama qaranku inuu ku jirin welwal sida cabsi, colaad, baahi, caafimaad darro, mustaqbal la’aantu waa nabad la’aan, sidaas owgeed, waxa ka jiro badaheenna welwel ayay  nagu hayaan,  welina annan loo hayn welwel tir.

Baddeenna waxaan ula jeednaa biyaha kulaalaya xeebaheena oo dhumucdoodu gaarayso xagga Badwaynta hindiya 350N.M(648.2KM);gacanka cadmeedna gaaraysa barkiis (50% = 130km). Baaxaddeeduna (bedkeedu) waxay gaaraysaa 3(sedex) jeer Bedka dhulka J.F.S.

Haddaba waa maxay welwalka ama khataraha ka jira badaheenna?

Khataraha ka jira  badaheenna oo suurtagal ka dhigi waayay in  ay noqodaan:

  • Kuwa aan leenahay
  • Hoos yimaada qaranimaddenna
  • Noqdana biya leh deegaan nadiif ah oo irmaan, gureeyn abaar iyo aaran toona.

Haddaba khataraha ku wajahan sadexda qodob oo noqon kara istiraatiijiyaddeena badeed oo aan hiigsanayno, waxayna u kala horreeyaan sida ay u kala halis badan yihiin, waana kuwan:

  1. Khatar L.1 Xadidda iyo Xaalufinta Badaheenna: Muddo dheer kadib, gaar ahaan burburkii Dowladdii dhexe ee dalka waxa si xowli ah u socotay arrinta ah xadidda Kalluunka iyo xaalufinta badda, waayo maraakiibta kallumaysiga waxay isticmaashaa qalab wax u dhimaya deegaanka dhulka hoose ee badda iyo noolaha ku tarma halkaas, taasoo keenaysa in ay qaadato ka soo kabsashadeedu muddo dheer, ugu yaraan rubuc qarni (25 sano) sida daraasaddu ay sheegtay (Securing Somali fishers 2015). Qiimaha kalluunka la dhaco sanadkii waxuu gaarayaa $300,000,000 (sedex boqol oo milyan oo doolar), intaan laba jibbaarkeed waxaa lagu qiyaasay khasaaraha xaalufinta, (Securing Somali Fishers 2015), sidaan haddii ay arrintaani ku sii socotana biyaheennu waxay noqon doonaan kuwa guran (la xaalufiyey) ah oo khayraad aan lahayn. Waqtigan la joogo dhowr nooc oo kalluun ah si daran ayay hoos ugu dhaceen, kuwa kalena waaba la waayay, runtii xadidda iyo xaalufinta waa khatar L.1 ee ka jirta badaheenna, unna baahan in la qaado tillaabo lagu yaraynayo khatartaan, haddii latirtiri waayo.
  2. Khatarta 2aad waa Wasakhaynta Badda: Arrintani waa mid jirtay laga soo bilaabo 1991kii, in ta aan ka warqabno, warkeeduna aad ayuu u socday sagaashamaadkii, laakiin aad ugama warhayno in ay wali socoto iyo xajmiga ay la egtahay, tani runtii waa khatar aad u halis ah oo saamaynaysa deegaanka iyo nolaha badda iyo kuwa xeebaha oo uu dadku ku jiro, mudda dheer waxaa xeebaha badaheenna ku soo dhacayay, gaar ahaan ka dib Sunaamigii December 2004tii haama badan ayaa xeebta ku soo caariyay, haamankaana wax ku jiro lama yaqaan, dhibka ay gaarsiyeenna deegaan badeedka iyo kalluunka wali war cad kama hayno, in kasta oo  Hay’adda Qaramada Midoowday u qaabilsan arimaha deegaanka ee (UNEP) ay sheegatay in cuduro cusub lagu arkay dadka xeebaha deggan.

Haddii hoos loogu daadego khatarahaan waxaa aad halis u ah kuwan:-

  • Khatarta L.1, Xaddida iyo Xaalufinta kalluunka
  • Khatarta L.8 wasakhayta biyaha badda
  • Khatarta L.2 Qorsha la’aanta ku aadan ka hortagidda dhibtaaoyinka (khataraha) ka jira badaheenna.

Hadii la dajiyo qorshe looga hortagi karo khatarahaan waloow haba ahaado hoos u dhigiddeeda 40-50% oo kaliya waxaa la abbaarayaa 2 (labada) khatar ee kala ah:-

  1. Xadidda iyo Xaalufinta Badda
  2. Sunta iyo haraaga warshadaha ee lagu duugay Badaheenna
  3. Khatarta 3aad waa annagoo aad ugu baraarugsanayn, qorsha looga hortago oo waxtar ahna u hayan khatarta L.1 , iyo L.2 oon soo xusnay, xaaladdan waa mid anaan loo hayn jawaab cid qanci karta; In dhib kugu dhaco amba ku haysato cudur waa wax caadi ah, laakiin in aadan xal waxtar ah aadan udoondoonin cudurkaaga, taas ayaa ah wax lala yaabo.
  4. Khatarta 4aad oo ah mid dhab ah waa maraakiibta daagaalka ee ajaanibta oo mushaaxeysa Badwaynta Hindiya, agagaarka xeebaha Soomaaliya ayagoo sheeganaya in ay u joogaan la dagaalanka Burcad-badeedka, Dowlado ka mid ah kuwa leh maraakiibta dagaalka ayaa ah kuwa xada kalluunkeena magacyadoodana waxay ku cad yihiin Darasadii (Securing Somali fishers 2015), taas oo caddaynaysa in ay yihiin kuwa ilaaliya, difaacana maraakiibtooda xadaysa kalluunkeenna, waana khatar wayn.
  5. Khatarta 5aad oo ah mid dhab ah waa shatiyada beenta ah oy baxshaan dad aanan xil hayn cidna aan masuul u hayn. Bixinta shatiyada lagu kalluumaysto waxaa bixin kara Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada ayadoo la raacaya sharciga kalluumayiga ee L.29 ee 30/11/2014, laakiin lama aqbali karo in lagu bixiyo sifo ka duwan sida sharcigu sheegayo, waxa la ogaaday maraakiib badan oo ku kalluumaysta shatiyo been ah ama muddodoodii ay dhacday, runtii tani wa akhatar dhab ah sugaysana in laga hortago.
  6. Khatarta 6aad ee la xusi karo waa qaar ka mid ah dadkeenna iyo kuwo soo raaca oo ku qaxa badaheenna si sharci darro ah, in badaheenna dad aan dhib noo gaysanayn ku safraan dhib wayn uma arko, laakiin dhibaatadu waa tan ku dhacaysa dalka oo dad kiisu ka qaxaayo iyo dadkaas oo naftooda khatar galinaya, sidaas awgeed ma noqon karto khatar badeed ee waa wax guud.
  7. Khatarta 7aad waa waxii la oran jiray BURCADBADEEDDA oo aan hadda jirin, mana jirto sabab ay ku soo noqoto, inkastoo weli ay Reer galbeedku hadal hayaan, waayo maamullo sharci fulin doona ayaa dhashay oo meel ay ka howl galaan ama meel ay wax ku so xirtaan iyo meel (xafiisyo) ay ku gorgortamaan ma heli karaan. Markeedii horana Burcad-Badeeddu halis aad u wayn Soomaliya kuma hayn, haddii laga reebo wadashada magaca Soomaalida, haddaba khatarta L.4 hadda ma jirto.
  8. Khatarta 8aad waa badaheenna oo la dhihi karo waxay waddo u noqdeen maan-dooriyaasha, hubka sharci darada ah, …IWM, qodobkaan naguma ahan khatar wayn, waayo daroogada iyo hubka aan sharciga ahayn waxay qayb ka yihiin ganacsiga caalimiga ah, waxaanna ula mid nahay dhibaatooyinkooda Dowladaha Caalamka, hadaba khatar la sheegi karo ma aha.

 

Haddii hoos loogu daadego khatarahaan waxaa aad halis u ah kuwan:-

  • Khatarta L.1, Xaddida iyo Xaalufinta kalluunka
  • Khatarta L.2 wasakhayta biyaha badda
  • Khatarta L.3 Qorsha la’aanta ku aadan ka hortagidda dhibtaaoyinka (khataraha) ka jira badaheenna.

Hadii la dajiyo qorshe looga hortagi karo khatarahaan waloow haba ahaado mid hoos u dhigaya 40-50% oo kaliya waxaa haraya 2 (labada) khatar ee kala ah:-

  1. Xadidda iyo Xaalufinta Badda
  2. Sunta iyo haraaga warshadaha ee lagu duugay Badaheenna

Tallaabooyinka wax ka qabashada halisyadan waxay noqonayaan sidan:-

  1. Khatarta 1aad waa tan ah xadidda iyo xaalufinta khayraadka badda waxaa hoos loogu dhigi karaa:-
  2. In ay Dowladda Federaalku ay ka codsato Q.M in caalamku gacan ka siiyo Soomaaliya badbaadinta khayraadkeeda Baddeed, waana in Soomaaliya ay ku daadaasho sida Q.M u soo saari lahayd qaraar tilmaamaya in maraakiibta wadda xadidda iyo xaalufinta khayraadka badda soomaaliya loo aqoonsado Burcad kalluumeysi, loona xilsaaro maraakiibta dagaalka ee amniga u joogta biyaha Soomaaliya ee ladagaala B/Badeedka in ay fuliyaan qararkan soona qabtaan maraakiibta kalluumaysiga oon haysan shati sax ah, si loogu maxkamadeeyo maxaakiinta J.F.S.
  3. In la howlgaliyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed: Dowladda F.S waxaa lagama maar maan ah in ay isku tashato oy nafteeda cuskato. waxaa jira mashaariic fara badan oy wadaan hay’ado badan oo doonaya in ay xeebaha J.D.S ay dhigaan Raadarro kashifa Burcad-baddeedka, waxay horay ugu taageen Jabbuuti, Yeman, Kenya iyo Tanzania, haddana waxay wadaan in ay ka taagaan xeebaha J.F.S. Raadaar  waxba noo soo kordhin maayo ee waa madadaalo, waayo:
    1. Dhibaato burcad baddeed ma jirto hadda, markii ay jirtayna halis weyn kuma ahayn Soomaaliya.
    2. Ma ogola in ay kashifaan oy sajilaan (diwaan galiyaan) maraakiibta kalluunka naga xadda, waayo kuwa Raadarada wado ayaa kamid ah.
  4. Waxay raadaradaan u shaqeeyaan doowladaha leh maraakiibta dagaal ee ku jitra  biyaha J.F.S kuna jooga qaraarada Q.M qaybna ka ah xaddida iyo xaalufinta khayraadka badaheenna sidaan horay usoo xusnay, haddaba mar haday  xaaladdu sidaas tahay dhab ahaan, sow taladu ma’aha inaan isku tashanno,   waana arrin qasab ka dhigaysa in la howlgaliyo C.Badda. D.F.S,kan Soomaliland, Kan Puntalnd iyo kuwa laga abaabulo maamul goboleed yada kale.

Sida la ogyahay dhumucda baddeena waxay gaaraysaa(Badwayna Hindiya) 648 km laakiin 50% kalluunku waxuu ku koban yahay biyaha Qaranka, (12.N.M=22km)iyo biyaha xiga (12N.M=22km) wadar; 24N.M=44km hadaba hadii aan wax ka qabano intaan 44km B/hindiya. Waxaan badbaadinay 50% khayraadka baddeena .

Xagga Gacanka cadmeed waxaan ku leenahay 70N.M(130km), hase yeeshee kalluunka intiisa badan 50% waa iska sidii hore aan u soo xusnay: 44km. Haddaba intaan (44km) siday aan u hanan karnaa? oon u badbaadinaa 50% ee khayraadkeena badda, waliba anaggoo kutalagalayna awooddeenna maanta oon cid kale wax kasugayn uguna taashaneyn, waana howlgalinta C.Badda Soomaaliyeed  oo dhan sida aan u soo sheegay.

 C.Badda Soomaalieed wuxuu ka koobanyahay

  1. Ciidmada badda ee D.F.S, kan puntland, kana Soomaaliland dhamaan si fudud ayay u dabooli karaan, awoodda hadda jirta waxay u suurta galaysa in ay wax qabtaan haddii lasiiyo ciidamadaas baddeed xoogaa gacan ah.
  2. Ciidamada badda ee maamul goboleedyada oo mid kasta diyaariyo min 100 (Boqol) badmaax (kaluumaysato shaqadooda haysata); waa la tababrayaa waxaana loo sheegayaa in ay ugaarsadaan maraakiibta kalluunka xadaysa kana fogadaan maraakiibta kale nooc kasta ha ahaadaan ee markii la soo qabto markab tuug ah, waxaa la keenayaa xeebta, maxkamad ayaa la saarayaa, kharashka lagu xukumana waxaa la siinaya 50% ciidanka soo qabtay, si kor loogu qaado holgalkooda, 50% deegaanka ayaa lagu horumarinayaa, Reer galbeedku kama welwali karaan ciidamadaan waayo ma ahan Burcad badeed, mana u aqoonsan karaan, waayo raggaan waa la tababaray  halhalna waa loo yaqaan, xeebo ay wax ka keeni karaana ma jiraan mana fulin karaan wax aan ka ahayn waxii loo igmaday.

F.G: Qorshahaan haddii lafuliyo waxuu naga xallin karaa qayb wayn oo ah halista xaddida iyo xaalufinta khayraadka badda, waa sida an rumaysnahaye.

  1. Halista wasakhda lagu duugo baddeena: Xalka halistaan waa inuu qayb ka noqdo qorshaha badbaadinta badaheenna, waxana ka mida kuwan;
  2. F.S waa in ay la xiriirto Hay’adda UNEP ee Q.M u qaabilsan deegaanka, UNEP horay ayay daraasaad uga samysay arrintaan, kaliya waxa hadda aan ka rabno UNEP waa in ay talo ka bixiyaan qaabkii loo aasi lahaa haamankaan badda ka soo dhacay si dhibaatadooda looga samato baxo.
  3. Waa in baaris lagu sameeyo biyaha baddeenna, ayadoo la dooranayo dhowr meelood oo kala duwan xagga ka fogaanta xeebta. Howshaani aad uma adka, waxaana fullin karta Hay’adda cilmi Barista Badaha Soomaliya (HCBS) oo lagu taakuleeyo dooman iyo laabab, waana arrin  horay dhowr jeer ay u samaysay HCBS.
  4. Baaristaan kadib waxii soo baxa, ayagana xal munaasib ah ayaa loo heli doonaa, ayadoo laga faa’idaysanayo tijaabooyinkii hore ee H.C.B.S, lana kaashanaya UNEP.
  5. Waxaa ayadunna aad muhiim u ah in la xakameeyo wasakhda ka timaada berriga sida; Qashinka xeebaha lagu shubo iyo bullaacadaha magaalooyinka ee badda ku socda.
  6. In dadwaynaha gaar ahaan xeeblayda, laga wacyi galiyo in ay ka fogaadaan haamaha sunta iyo wasaqada haraadiga warshadaha ee ku soo caariya xeebaha, waayo waxay keeni karaan cudur halis ah. Ugu danbayntii Haddii qorshahaan la howlgaliyo waxaan hubaa in guul laga gaari karo, hoos udhigidda halista xadidda iyo xaalufinta iyo tan sumaynta Badda. Nuxurka maqaalku waa in aan isku tashanno, adeegsannana imkaaniyaadkeenna cilmi iyo dhaqaale.