Somali Marine Resources Research Organization

Maxaa ka dhigay Badda Buluug?

Maxaa ka dhigay Badda Buluug?

July 4, 2016
|
0 Comments
|

Mar marka qaar ma is weeydiisaa su’aashan “Maxeey baddu ugu muuqataa midibka buluugga? Ama ma aamin santahay fikrada ah in baddu baluug u tahay maxaa yeelay midibka Cirka ayee dib u soo celisaa? Hadeey jawaab taadu “haa” tahay, ma is weydiisay xiliga daruurta ey jirto maxey wali badda buluug u tahay?, hadaba Maqaalkan waxaaan si kooban ugu cadeyn doonaa sababta ka danbeeysay midibka buluuga ah ee biyaha baddu leeyihiin.

Waxey baddu baluug ugu muuqataa isla sababta ka danbeysay cirku inuu buluug ugu muuqdo, waxaan wada ognahay in dadku wax ku arkaan (Iftiinka Cad) ee Cadceeda ka yimaado, kaas oo ka kooban 7da midib ee asaasiga (Spectrum Seven), marka uu iftiinkaas ku dhacyo dhibcaha roobka wuu kala jab jabaa ama leexad ayuu sameeyaa, waxuuna soo saaraa midibyada uu ka kooban yahay iftiinka cad ee cadceeda, waa marka aan aragno waxa loo yaqaan “ Qaansa Roobaadka” ee quruxda badan dadka qaarna u yaqaanaan “Caasho Carab Dheer” ama “Seyn Roobaad” waxaana inta badan la’arkaa xiliyada Roobka.

Mar kasta uu iftiinka cad (iftiinka cadceeda) uu shey ku dhacyo sida (Geed, Xayawaan, Dad, ama Dhagax) shey kasta oo kuwa aan soo sheegnay ah waxaa jira iftiin uu nuugaayo iyo qaar kale uu iska soo celinayo, hadaba iftiinkaas deeyfka ah “Specturum” uu soo celinayo ayaa ku kala soocnaa (saarnaa) midibyo, si’aad si’ fiican araktidan ugu fahantid kaalay tusaalahan ilaa eeg.

Falaaraha iftiinka cadceeda waxeey 49% ku baa ba’aan hawada, waxaa dhulka dushiisa soo gaaro 51% kaliya, markale markey biyaha badda uu iftiinka cadceeda ee wado falaaraha kala midibka ah ay ku dhacaan biyaha badda, midibka Guduudka(Casaanka) falaaraha wado guduha biyaha ayey ku dhax baa ba’aan ilaa 30m oo biyahaa nuugayo, sidoo kale midib yada kale Cagaarka, jaalaha, IWM, laakiin falaaraha xanbaarsan midibka Buluuga ah biyaha badda wey soo celi yaan, maxaa yeelay midibka Buluuga ah waxuu ku socdaa hirrar yar yar“ short wavelength” taasoo ku caawineyso inuu noqdo mid ey aad u fududahay iney falaarihiisa kala jab jaban ama gadaal uu uso noqdo (Reflected Back), laakiin falaaraha xanbaarsan midibka Casaanka (Guduudka) ah waxey ku socdaan hirrar dhaadheer “ long wavelength” inuu jajabo iftiin kiisa ama dib isku soo celsho ma fududo. Sidaas darteeda baddu midib yada kale oo dhan wey nuugtaa, midibka kaliyah ey soo tufeeyso ama dib u soo celineeyso waa midibka Buluuga ah, waana sababta aan ugu aragno baddu iney Buluug tahay.Markuu Cilmiga sii hormaray ee la soo saaray qalabka lagu qayaaso salka hoose ee badda waxey Culumadu ogaadeen falaaraha ifiinka ee ugu danbeeyo inee biyaha gudaha u soo gudbaan ay yihiin falaaraha xanbaarsan midibka Buluuga ah. Mugdiga daran ee ka jira salka hoose ee badda daraadeeda ayey Culumada Cilmiga Badda waxey aminsanaayeen iney nolol ka jirin, kadib markii Cilmiga sii hormaray ee la isticmaalay qalab hor marsan ee lagu baaro salka baddaha ayaa waxaa la ogaaday iney nolol ka jirto salka badda ayna jiraan xayawaano ku nool sida Gooryaan Baddeedka (Marine Worms) oo dhirirkiisa dhan yahay 200m, xayawaankaan ayaa wax ku arko midibka jirkiisa oo ah (Phosphoric) kaasoo iftiin soo daaynaayo, isla aragtidaas cilmiga ee Culumada soo ogaadeen dhawaan, ayuu Qur’aanka sheegyay waqti dheer ka hor, fiiri aayada 40aad ee Suurada Al-Nuur, isla aayadaan waxeey kuu sharaxeeysaa midibyada is dul saar saarmay dhirirka hoose Badda ee keenay mugdiga daran ee badda hoose ka jiro.

Mar kale kaalay aan ku tijaabino isla tusaalahii hore Cirka(Samadda), markuu iftiinka cad ee ka imaanaayo cadceeda uu soo gaara Cirka, sidi oo kale qaar iftiin kaas ah Cirka wuu nuugayaa qaarna dib ayuu u celinayaa, iftiinka uu celinaayo midibkiisa ayuu qaadanayaa oo ah buluugga, hasa ahaatee markey Culumada tageen Samada sare (Space) waxey soo arkeen Cirka waxii ka sii xageeyo inuu yahay mugdi, taasna ma burineeyso aragtida aan horay idin kugu soo sheegay, maxaa yeelay Cirka waxuu iftiinka dib ugu celinayaa(Reflected Back) dhanka dhulka hoose ma’ahan dhanka sare ee Cirka sare (Space), sidoo kale badda waxey u soo celineeysaa iftiinka dhanka sare ee badda, saas darteeda badda hoose waa mugdi, waana xikmad uu Alle aqoonteeda leeyahay.

Waxaan rajeeynaa inaa maanta ka dib aad ogtahay sababta ay Baddu ugu muuqato midibka Buluuga.