Somali Marine Resources Research Organization

KHATARAHA ISBADALKA CIMILADA IYO SIDA LOOMAAREEYNKARO

KHATARAHA ISBADALKA CIMILADA IYO SIDA LOOMAAREEYNKARO

July 3, 2016
|
0 Comments
|

Waxaan maqaalkan si kooban ugu faahfaahineeynaa isbadalka cimilada ee hadal haayntiisu ku badatay caalamka, kadib markii ladareemay saameeynta ow ku yeeshay nolosha dhamaan noolaha ku nool Badda iyo Barrigaba,waxaana sabab teeda lagu sheegaa warshadaha iyo dhamaan waxii guba shidaal oo kudara kaarboon (C) hawada,taasina waxay saameyn kuyeelatay cimilada.

Waamaxay isbadalka cimilada?

Isbadalka cimilada (Climate Change )waa markii isbadal ku yimaada cimila gooreedka (weather) muddo dheer,kadibna ay noqoto mid iska badasha sidi ay  awal ahaan jirtay taas oo cimiladu eey noqoto mid kulul,qaboow,huur,dabeeyl,baraf,abaaro,roobab iyo waxii lamid ah, waxaana kadhalan kara khataro kala duwan oo saameynkara  nolosha noolaha iyo jiritaanka deegaanka.

Khataraha kadhasho isbadalka cimilda iyo saameyntooda waxaa kamid ah abaaraha,fatahaadaha ,sara ukaca heerkulka iyo dabeeylaha Anagoo aaminsan in  eeysan intaas ku ekeeyn khataraha sameeynta isbadlka cimilda ayna badantahay saameynta khatarha ka dhasha isbadalka cimilda, waxaan maqalaakan muhiimadda ku saareeynaa saameeynta khataraha isbadlka cimilda  oogu ee kadhahaca dalkeena soomaaliya iyo sida loo maareyn kara.

Markaan eegno daraasadii  lasameeyay 2013 ee lagu muujiyay qorsha qaran ee laqabsiga isbadalka cimilada dalkeena soomaaliya ooy gacan ka geeysteen hay’ado caalami ah waxaana lagu muujiyay khataraha kajira dalkeena oo ay ogu muhiimsantahay Abaaraha iyo fatahadaah.

Abaaraha iyo Fathaadaha

Abaaraha iyo Fatahaadaha ayaa ah kuwo saameeyn xoog badan ku leh nolosha iyo jiritaanka deegaanka kuwaas oo geeysta waxyeelo aad ubadan oo ay kamid yihiin dhimasho naf iyo maalba, waxaana jiro qeeybo ay si ba’an usameeyso ayna kamid yihiin kaabayaasha biyaha,beeraha ,xoolaha iyo daaqsinkooda,xeebaha iyo kheeyraadka badda,caafimaadka iyo noolayaasha kaladuwan(Biodiversity).

Waxyeelaha ay geysan karaan abaaraha iyo fatahaadaha ayaa  waxaa kamid ah bur-burinta deegaanka iyo kaabayaasha bulshada ,dhimasho naf iyo maalba leh, hoosudhahca dhaqaalha,nafaqadarri iyo caafimaad daro soo wajahdo haweeynka,caruurta iyo waayeelka .

Sida loo maareeynkaro isbadalka cimilada iyo khataraha kadhasha.

Ayadoo aan tixraacayno qorshaha qaran ee laqabsiga isbadalka cimilada ee loo soogaabiyo (NAPA)diiradana ku saareeyno khataraha sameeynta leh ee isbadlka cimilada ee aan kor ku soo xusnay kuna salaysan qeeybkasta saameeynta soo gaarto iyo sida looga gudbi karo waxaan ku soo koobaynaa sidan.

B).Maareeynta  Biyaha

  • In laga dhigo kuwa tayaysan tubooyinka biyaha qaado ee magaaloyinka iyo xeryaha barakacayaasha.
  • In kor loo qaado kaydinta biyaha aydoo la isticmaalayo haamo ama barkado tayadooda wanaagsan tahay lalana soconayo nadaafadooda.
  • In lasameeyo waax ku shaqa leh biyaha soo saaristooda ,utabarida xirfadlayaal soo saari kara biyaha kana shaqeeyn kara daryeelka iyo nadaafadda (water safety) eedeegaanka.
  • In la horo mariyo nadaafadda/fiiltareeynta biyaha laguna dadaalo bulshada in eey helaan Adeegyada biyaha lagu daweeyo si bayaha la isticmaalayo ay unoqdaan kuwo nadaafadooda iyo tayadoodo wanaagsan tahay.
  • In lagasameeyo wabiyada biyo xireeno si looga hortago in eeysan dhicin waxfatahaad biyo ah.

T).Beeraha iyo xoolaha 

  • In dowlada eey kataageerto beeraleeyda xagga abuurka,tababarda la xirira sida loo beerto.
  • In loo sameeyo biyo mareeno (canals) tayo leh si loogu waraabiyo beeraha .
  • In beeraleeyda laga caawiyo agabka loo isticmaalo bacariminta beeraha iyo dawooyinkeeda
  • Inlasmeeyo gooba lagu keeydiyo dalaga (bakhaaro) oo tayadooda wanaagsan tahay .
  • In la horomariyo isku xirka suuqyada beeraleeyda iyo xoola dhaqatada
  • In laga hortago xaalufinta dhirta ee laga sameeyo dhuxusha.
  • Isku xiraanata hay’adaha deegaanka, xanaanda xoolaha ,maamulka deegaanka iyo oday dhaqameedyada.
  • In laga hortago dhoofinta xolaha dhadiga ah.
  • In loo diyaariyo goobo ay xolaha daaqaan xiliga ay jiraan abaaraha .
  • In laga caawiyo qalabka lagu maamulo xoolaha laguna horumariyo waxsoosaarka xoolaha.
  • In lasameeyo iskaashato xoola dhaqato iyo beeraley ka kooban.

J). Caafimaadka

  • In lahorumariyo goobaha caafmaadka ayadoo muhiimadda gaar ah lasaarayo hooyada iyo dhallaanka.
  • In labalaariyo xarumaha nafaqeeynta.
  • In la samayo waax digniinta hore ah oo u qaabilsan abaaraha iyo fatahaadaha.
  • In lalasocdo lana daweeyo biyaha.
  • In lahorumariyo waaxda caafimaadka bulshada gaar ahaan kuwa dagan deegaanka.
  • In si haboon loo maareeyo waskhda degaanka.
  • In la qaado ololo tallaal oo joogta ah iyo wacyigalin caafimaad.
  • In kor looqaado tayada dawada la isticmaalo lana sameeyo isbitaalo waaweeyn oo loogudbiyo bukaanada hoowshooda aanan meeshaasi waxba looga qaban Karin (referral hospitals).
  • In latababaro dhakhaatirta iyo kalkaaliyasha caafimaadka.
  • In la horumariy jidadka loomaro gooba caafimaadka ,lana helo gaadiid gaaro goobaha fog fog ee caafimaadka.

KH). Xeebaha iyo Kheeyraadka badda.

  • In lahorumariyo ka faa’ideeysiga kheeyraadka badda lagana hortago kaluumeeysiga sharci darada ah iyo kushubidda haaraadiga khatarta ku ah noolaha badda .
  • In Dowladdu xal u hesho qashinka faraha badan leh ee magaalada ka baxa galaayaana badda, wasakheyn weynna u geysanaya badda.
  • In doowladda ay ka taageerto kalumeeysatada qalabka kaluleemsiga iyo kuwa lagu keeydiyo, dhiiri galisanna iskaashatooyinka kaluumeeysatada.
  • In laga hortago dhisidda xeebaha iyo bur burinta dhulka xeebta.
  • In lahorumariyo beerista geedaha kabaxo xeebaha ee loo yaqaan mangrove .
  • In il gaar ah lagu fiiriyo dadka dagan agaagarka xeebaha loona sameeyo hab ay ku maareeynkaraan noloshooda.
  • In daraasaad lagu sameeyo goobaha iyo noocayada ay ogu kala badan yihiin noolaha badda.

D). Noolayaasha kala duwana (biodiversity) .

  • Ka hortagidda xaalufinta dhirta ee laga dhigayo dhuxusha laguna wacyigaliyo bulshada hab kale oo ay kusoo saaraan karaan tamar(energy).
  • In ladhiso goobo biyo celinayd oo ka hortago rujinta geedaha .
  • In laga sameeyo wacyigalin badan saameeynta ka imaaneysa jarista dhirta .
  • In la sameeyo siyaasad lagu horumarinayo nolosha duurjoogta loogana hortagayo saameynta khataraha abaaraha iyo fatahaada.
  • In ladaraaseeyo waxyaabaha khataraha u keeni karo wada noolashaha noolayaasha kala duwan iyo sida loo hurumarin karo wada noolashaha hooda.

GABAGABO/GUNAANAD

Ayadoo aan soo xusanay khataraha sameeynta isbadalka cimilada iyo sida loo maaraynkaro waxaa muhiim ah in aan markale xusno in khatarahaas sida gaar ka ah u taabanaya wadankeena soomaaliya ay yihiin musiibooyin waxyeelo badan leh una baahan  in lasameeyo sadex (3) waxyaalo oo lagu maareynkaro

  1. In loodiyaar garoobo musiibooyinkaas(Pre-disaster)
  2. In laga jawab celiyo hadeey dhacaan (Respond)
  3. In lasameeyo dib udajin dadkii ay sameeysay musiibadaas (Rehabilitation).

Qodobadaas waa kuwo muhiim u ah in lagu saleeyo dhibaatoyinka musiibo ee kadhaca wadankeena.

REFERENCES;

National Adaptation Program of Action (NAPA2013)

Diyariyay: C/laahi Maxamuud Diiriye