Somali Marine Resources Research Organization

HABKA XANAANEYNTA & HABEYNTA KALLUUNKA (FISH PROCESSING AND PRESERVATION)

HABKA XANAANEYNTA & HABEYNTA KALLUUNKA (FISH PROCESSING AND PRESERVATION)

July 3, 2016
|
0 Comments
|

Cuntada badda oo ah kalluunka nuucyadiisa kala duwan (Sea food), waxey u xumaadaan si deg deg ah haddii aan si fiican loo xanaaneyn, waxeyna u baahan yihiin xanaano joogta ah nta u dhaxeysa marka badda laga soo saaro ilaa uu ka gaaraayo qofka isticmaalayo ama cunaya. Kalluunka si deg deg ah ayuu u xumaadaa,waxaana ku dhasha Bacteriyada ka dhalata waxyaabaha dhinta si ey u qurmiso.

Haddaba si loo xanaaneeyo kalluunka loogana hortago Bacteeriyada kalluunka qurmisa, waxaa uu banii’aadamka soo saaray habab badan oo kala duwan oo kalluunka loo xanaaneeyo, waxaana ka mid ah:

  1. Barafeyn (Icing)
  2. Qaboojin (Freezing)
  3. Qalajinta (Drying)
  4. Qiijinta (Smoking)
  5. Cusbeynta (Salting)
  6. Qascadeynta (Canning)

Kalluumeystaha waxaa looga baahan yahay inuu si fiican u xanaaneeyo kalluunka uu soo jilaabtay, si uusan dadka cunaya caafimaadkooda u waxyeeleenin. Habkaan aan soo xusnay waxey joojiyaan Bacteeriyada kalluunka qurmisa, waxeyna kor uqaadaan tayada Kalluunka. Kalluunka haddii aan si deg deg ah loo xanaaneyn, waxaa ku dhasha Bakteeriyada.

Kalluunka haddii la dhigo meel kulul ama wasakh ah, waxaa uu xumaadaa muddo aad u gaaban. Waxaana laga fiiriyaa waafiyada (Gills) iyo indhaha.

Hababkaan soo socda waxaa ay kaa caawineysaa si aad u kala garato kalluunka fiican (darey) iyo kan xumaaday.

KALLUUNKA FRESHKA AH

Astaamaha lagu garto kalluunka freshka ah waa sida tan soo socota:-

  1. Waafiyada waa gaduud qurxoon.
  2. Indhaha waa ifayaan.
  3. Haraga wuu ifayaa
  4. Marka aad jirka kalluunka farta ku riixdo, diisnaantu waa ineysan farta ka danbeyn marka aad ka qaado.
  5. Marka aad hilibka kalluunka jarto waa inuu is heystaa kalluunka

KALLUUNKA KHAA’ISKA AH

  1. Waafida waa caddaan.
  2. Indhaha waxaa fuuleysa dahaan.
  3. Haragga waxaa uu noqonayaa mid adag oo aan jiidmayn mana ifayo.
  4. Marka aad farta ku riixdo kalluunka, diinsnaantu waa ay ku hareysaa jirka kalluunka marka aad farta ka qaado.
  5. Marka aad hilibka kalluunka jarto wuu kala daadanayaa.

Astaamahaan iyo kuwa kale ayaa lagu kala garan karaa kalluunka fiican iyo midka xumaaday.

Barafeynta kalluunka

Habka barafeynta waxaa habka ugu fudud ee lagu bad baadin karo kalluunka si uusan Bakteeriyada ugu dhalan, marka aad dooneyso inaad sameyso habka barafeynta kalluunka, Kalluunka ku rid saxaarad nadiif ah oo dabool leh; adigoo dhanka hoose, dhexda iyo dusha ugu shubaya baraf yar-yer. Barafeynta waa habka ugu fudud oo kalluunka loogu hayo muddo dheer isagoon waxba gaarin.

Xigasho: Kitaabka Kalluumeystaha ee uu qoray Enjiner Cabaas Nuur Mahdi, 2016 Mogadishu, Soomaaliya.

          W/Diyaariyey

          Enjiner Cabaas Nuur Mahdi

  1. Waaxda Culuunta Badda

            HCBS.