Somali Marine Resources Research Organization

HEERKA WASAKHDA XEEBTA CAASIMADDA OO AAD HALIS U AH

HEERKA WASAKHDA XEEBTA CAASIMADDA OO AAD HALIS U AH

June 28, 2016
|
0 Comments
|

Soomaaliya waa wadan ku yaala geeska AFRIKA, waxay ku taalaa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Waxay Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer ee qaaradda AFRIKA, Sidoo kale waa dal cimilo wanaagsan, ILAAHNA ku galaday kheyraadka dabiiciga ee Bada iyo Berigga.

Soomaaliya waxay soo martay dagaallo sokeeya, taasoo galisay hakad hormarka: Tacliinta, Caafimaadka, wax soo saarka, iyo dhamaan kaabayaasha nolasha.

Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya, waa maagaalada ugu bulshada badan, waana magaalada ugu daran uu burburka saameeyay, xeebta magaaladan waa mid uu ka muuqdo saameeynta burburka baaxad weyn.

Dadka Xamar deggan waxay  qashinka ku daadiyaan xeebta,

guud ahaan waxay ka dhigen meel ay geeyaan wasakhda ugu halista badan.

Hadaba Soomaaliya marka ay ka soo toostay jiif dheer, waxay ku baraarugtay dhibaatada daran ee ka muuqata Badda Soomaaliya,

waxayna dhidibadda u aasaastay Hey’adda Cilmi Baarista  Baddaha Soomaaliya 2013, si loo ogaado Cilmi ahaan:-

Heerka waxyeelooyinka xeebaha Soomaaliya loo geystay mudo ka baddan 25sano iyo sida wax looga qaban karo.

2- Inta uu dhan yahay kheyraadka dabiiciga ee nool iyo midka aan nooleen.

3- Sida ugu haboon ee looga faa’ideysan karo kheyraadka badeenna ku jira & kuwa kale oo badan.

4- Hey’addani waxay sameeysay Cilmibaaris baddan oo kala duwan, waxaa ka mid ah baarista HEERKA WASAKHEYNTA BADDA XAMAR.

Baristaan waxaa lagu sameeyay 4meel oo kala duwan oo ku yaalla Xeebta Magaalada Xamar, waa kuwaan 4tii meel iyo heerka ay wasakheysan yihiin sida ay baaristu sheegtay:-

1- XEEBTA KAWAAN BARI: Heerka wasakhda goobtaan waa heer sare, waxaa laga baaray (total plat count) waa dhammaan kalan

noolaha ay ishu qaban sida (bacteria, fungi) taasoo aad ku arkeyso, mar kasta oo dhanka xeebta loo sii dhawaado, waxaa kaloo biyaha xeebtan ku yar (DO, pH) oo muhiim u ah noolaha badda hadii ay yaraadaana halis daran u geysan karo nolosha noolaha badda, sidoo kale waxaa xadka laba laab dhaafay (COD,BOD) oo ayaguna saameyn halis ku leh Kalluunka badda.

2- XEEBTA LIIDO: Heerka wasakhda goobtan waa heer ROON, marka laga reebo (DO) oo heerka standardka hoos uga dhacsan.

3- XEEBTA  BUUR-FUULE: Heerka wasakhdu waa heer halis ah walxaha Kiimikada ee heerka standardka ka hooseeya ama ka sareeya waxaa ka mid ah (DO,pH,TURBIDITY, & COD), walxahaas oo heerkooda dhaafa ama ka hoos mara waxay wax yeeleen karaan qaab dhismeedka jirka Kalluunka, tarankiisa, jiritaanka cowska badda gunteeda ka baxo.

Sidoo kale goobtan waxaa si xad-dhaaf ah u dagay (Total coliform) oo ah nooc bacteria ah, iyo total Plat count oo ah noolaha ay ishu qaban Karin (bacteria, fungi, etc) kuwaas oo dadka badda ku dabaasha iyo kuwa Kalluunka isticmaala dhibaato u geysan kara.

4- XEEBTA DEKEDDA: Heerka wasakhda goobtan waa heer sare, walxaha laga helay waxaa ka mid ah: (Oil & grease,Tss) kuwaas oo noolaha badda wax yeelo aad u darán dhirta u geeysato sida, taranka Geedaha badda, Kalluunka iyo Shimbiraha badda, quruxda baddana saameyneysa. Sidoo kale (Total plat count & coliform) ayaa laga helay goobtan.

Sida daraasadaan Hey’adda Cilmibaarista Badaha  Soomaaliya ay sameeysay ku cad waxaa halis ku jirta nolasha noolaha badda taas oo dib ugu soo noqon karta dadka, ayna suurta gal tahay in ay halistan gaarto heer aan wax laga qaban karin hadii si deg deg ah aan wax looga qaban.