Somali Marine Resources Research Organization

DHIR BADEEDKA YARYAR EE KU NOOL BIYAHA BADDA

DHIR BADEEDKA YARYAR EE KU NOOL BIYAHA BADDA

June 28, 2016
|
0 Comments
|

Deegaanka Baddu wuxuu  hoy u yahay  noole fara badan oo ku dhex nool biyaha Badda kana  kooban noole ishu arki karto iyo kuwo ilma aragti ah, iskuguna jira labada  qaybood ee loo qeybiyo noolaha adduunka; Dhir iyo Xayawaan.

Haddaba  maqaalkani wuxuu si koban uga hadlayaa dhir badeedka yaryar ee ishu ayna qaban ee hal unugle u badan  loona yaqaano “phytoplankton”,  waana dhirta ugu badan ee ku nool biyaha badda iyo tan barigaba, waxaanna lagu qiyaasaa inay biyaha badda  dhirtani ka tahay in ka badan 80%  marka loo eego dhirta kale ee ku dhex nool biyaha badda. Waxayna la mid tahay

dhirta cagaaran ee bariga ee cuntada sameysata oo dhirtan badduna way sameystaa cuntada markey hesho iftiinka qoraxda, nafaqo iyo hawada  karboonka (carbon dioxide).

Dhirtan Phytoplanktonku waxay Hawada ku dartaa ogsijiinka (oxygen) in ka badan boqol kii ba kontan (50%), sida ay sheekeen Culimada saynisku, waana hawada an isticmaalno markaan neefsaneyno (1)

Maxay tahay dhir badeedkani (Marine Phytoplankton)

Waa Dhir badeed aad u yaryar oo intooda badan ilma qabati ah (ishu arkeyn)  laguna arki karo waynayso (microscope),  kuna  dhex noolaan kara biyo cusbada leh (dhanaan) iyo kuwo kalaba ( salty & fresh water),  waxaana loo yaqaanaa          ( phytoplankton) ama dhirta waynaysada lagu arko ( microscopic plant), waxayna u badan tahay hal unugle ( most of them are single celled plants), Waxayna ku noolyihiin lakabka sare ee biyaha badda si ay u helaan iftiinka qoraxda oo muhiim ugu ah dhirtan habka cunto sameysiga sida dhirta cagaaran ee dhulka oo kale,  dhirta cuntada sameystana adduunka korkiisa  tan badda iyo barigaba nus bay ka tahay dhirtan phytoplanktonku.

Dhirtani waxay leedahay midab sameeyaha ( chlorophyll)  kaasoo dhirta siiya midabka cagaaran, isaguna wuxuu u dabaa tamarta qoraxda una suurta galiya inay cunto sameysan karto,  sidaan ognahay dhirtuna waxay u baahantahy markay sameysaneyso cunto in ay hesho; Biyo, Tamarta qoraxda, Nafaqo iyo Hawada kaarbooonka (CO2).

Haddaba dhirtani si ay cunto u sameysato Hawada kaarboonka (CO2) iyo nafaqadaba (nutrients) waxay ka soo nuugta biyaha badda ooy ku dhex milanyihiin,  waxayna  asaas  u tahay  habka silsilada cuntada noolaha. Tusaale ahaan waxaaa cuna dhirtan kalluunka yar yar iyo nuucyo ka midaa Nibiriga (whales), ka dibna iyaga waxaa sii cuna kalluunka waa weyn, dadkuna waxay sii cunaan kalluunka waaweyn waa silsilad isku  xidhan oo ka soo bilaabanta dhirtan yaryar gaarana Kalluunka waaweyn ilaa Dadka.

FAA’IIDOOYINKA LAGA HELO DHIR BADEEDKAN YARYAR

  • Dhir badeedkani waxay hawada ka yareysaa kaarboonka(CO2)  ay soo daayan warshadaha iyo wixi shidaal guba ( burning fossil fuel), sababtoo ah  iyadaa qaadata karboonka ugu badan adduunka, sidoo kale  waxay ku dartaa ogsijiin(oxygen)  fara badan hawada inagu waregsan  oo noolaha kale u baahan yahay sida dadka.
  • Waxay ka qayb qaadataa yarenta heerka kuleylka cimilada
  • Waa soo saaraha kowaad ama kan ugu muhiimsan habka shabakada cuntada ee noolaha badda ( aquatic food web)